KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Xasan Sheekh ayaa kamid ah Musharixiinta mucaaradka ee dhawaan sheegay inaysan ka qeyb qaadan doonin doorasho hal dhinac ah.
GAROOWE, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ka hadlayay Madasha Aragti-wadaagga Heritage ee Garoowe ayaa sheegay in horey aan loo arag xaaladda 4tii sano ee lasoo dhaafay uu Farmaajo dalka geliyay.
Doodo kulul ayaa ka socda Garoowe tan iyo shalay, kuwaasoo kusaabsan marxaladda kala guurka iyo Geedi-socodka siyaasada, qabyo-tirka dastuurka, loona heli karo Federaal iyo heykal Amni oo heshiis lagu yahay.
"Maxaa dhici doono haddii uusan Farmaajo qaban doorasho Febuary 8," ayuu qof kamid ah ka qyebgalayaasha waydiiyay Xasan Sheekh, oo isaga iyo Mursal Masraxa isla saarnaa maanta, oo su'aallo ka jawaabayay.
Wuxuu ku jawaabey Xasan Sheekh: Ma naqaan waxa dhacaya sababtoo ah waligeedba nama soo marin mana aynaan arag!.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku hanjabay in marka mudo-xileedka Farmaajo dhamaado, wax kasta ay suura-gal noqon doono inay dalka ka dhacaan, iyadoo ay ka digeen cawaaqibka ka dhalan kara doorasho la'aanta iyo afduubta xukunka dalka lagu sameynayo.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.