Xasan Sheekh oo shaaca ka qaadey cida qaraxyada fududeysa

Waxa uu ka hadlayay xuska 79 guuradii kasoo wareegtay aas-aaska Ciidanka booliska Soomaaliya, oo Maanta lagu qabtay Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo shaaca ka qaadey cida qaraxyada fududeysa

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh ayaa Maanta qiray in Al-Shabaab kuwa la shaqeeya ay ku jiraan hay'adaha amniga, gaar ahaan booliska iyo Nabad Sugida, oo Muqdisho meelaha baraha Koonatarooladda uga gudbiya qaraxyada iyo dagaalyahanada weerarka soo qaada.

Wuxuu sheegay Xasan Sheekh inay kasoo gudbaan baraha Koontaroolada qaraxyada, iyadoo aan la baarin, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay mid ay fududeeyaan Saraakiisha amarka siiya askarta wadooyinka taagan habeen iyo maalin.

Fulay xantiisa ma mooga, waan is ognahay, Al-Shabaab qaraxyadeeda baabuurta Ciidanka ayaa lagu soo gudbiyaa, waxaana jira Saraakiil soo dhaafaya koontarooladda," ayuu yiri Madaxweynaha.

Hadalkan ayaa ah mid bulshadda horey uga warqabtay, maxaa yeelay waxay qaraxyada Muqdisho ka dhacaan goobo jidadka soo galo maristooda shacabka aan loo ogoleyn, oo aad loo ilaaliyo, waxaana ugu dambeeyay Villa Rays hotel, oo ku dhaw xarunta NISA iyo Villa Somalia oo rag hubeysan oo illaa 6 gaaraya ay ka dagaalameen saacado badan.

Shaki kuma jiro inay labo Shabaab wada shaqeeyaan, waxaana dowladda Xasan Sheekh u taalla shaqo culus oo ah inay kala saarto dadka isku milmay ee argagaxisadda iyo kuwa wadaniga isagu jira ee kawada tirsan NISA iyo booliska.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa dhawaan sheegay in musuq-maasuq xoogan ka jiro hay'adaha amniga, oo ah meesha laga haysto dalka, oo argagaxisadda soo dhexmarto.

Wuxuu xusay C/raxmaan in aysan suurtagal ahayn Sarkaal mushaarkiisu yahay $800 bishii inuu Muqdisho dabaqyo ka dhisto, oo Yurub dalxiis u aado, haddii uusan la shaqeynin Al-Shabaab.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.