Xasan Sheekh oo hadal cajiib u ka deejiyay degmada Cadale

Degmada ayaa amnigeeda aad loo adkeeyay, iyadoo la geeyay Ciidamada Koofi-Gaduudka Villa Somalia, waxaana lagu qabtay shir Nabadda iyo dagaalka Al-Shabaab ku saabsan.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo hadal cajiib u ka deejiyay degmada Cadale

CADALA, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay ka qeybgalay kulan ka dhacay degmada Cadale, ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasoo looga hadlay nabadda iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ee ka socda dalka qeybo kamid ah.

Kulanka oo ay ka qeyb-galeen Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada, ayaa waxaa laga soo saarey Baaq nabadeed, oo ku aadan joojinta dagaal u dhaxeeya Labo Jufo oo katirsan Beesha Abgaal, oo maalmihi ugu dambeeyay ku dagaalamayay gobolka.

Madaxweynaha ayaa taageeray baaq nabadeed oo ay soo saareen Culumada iyo Odayaasha Dhaqanka kaasi oo adkeynaya Heshiisiinta Bulashada, Ciribtirka jidgooyooyinka sharci-darrada ah iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Waxa aan ka war haynaa in argagixisadu ay ku mashquulsan tahay iska hor keenidda beelaha walaalaha ah ee ku nool deegaanada ay ka socdaan hawlgallada dalka looga xoreynayo, waa nasiib darro weyn in cadawgeennu uu helo fursaddii uu raadinayay, waa in si shuruud la’aan ah loo joojiyaa dagaalka dadka walaalaha ah, waana in aan u midowno kan waajibka ah ee argagixisada," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha HirShabeelle,Cali Guudlaawe Xuseen oo goob joog ahaa kulanka ayaa ballanqaaday in uu mudnaanta koowaad siinayo hirgalinta qodobada ku xusan Baaqa Nabadda Cadale, si loo helo nabadgalyo, horumar  iyo xasillooni waarta.

Baaqa Cadala, ayaa hoosta ka xariiqay in qofkii qof dila sharciga la marsiiyo lana xakameeyo jidgooyooyinka sharci-darrada ah. Gobolka ayaa waxaa ka socdo labo dagaal, mid Beelo u dhaxeeya iyo mid lagula jiro Al-Shabaab, waxayna tani culeys ku tahay dowladda Xasan Sheekh, oo looga fadhiyo inay xaliso.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.