KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Hadalka Xasan Sheekh ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxweyne Farmaajo wareegto Madaxweyne uu soo saaray uu ku dib dhigay waxka beddelka dastuurka qabyada ah ee dalka.
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay tallaabo uu maanta qaaday Farmaajo, isaga oo eedeyn kululna u jeediyay Madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo.
Shir Jaraa'id oo uu Warbaahinta ugu qabtay Muqdisho ayuu ka sheegay in shalay la filayay in Baarlamaanka Labada Aqal ay wadajir u kulmaan si ay uga hadlaan arrinta Dastuurka oo uu 12-kii Bishaan ka hadlay, hayeeshee kulnkaas uu hor-istaagay Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa uu sheegay in tallaabada xigta ee uu qaaday Farmaajo ay tahay in uu xalay digreeto an sharci aheyn uu ku dib dhigay wax ka beddelka dastuurka oo la rabay in Baarlamanka 10aad ee labada aqal inay u wakiishaan Baarlamaanka 11aad ee la dooran doono.
“Waxuu Farmaajo sameeyay waxay ka dhian ahay inuu Dastuurka dalka laalay. Madaxweynaha xaq uma lahan inuu saxiixa wax ka bedelka dastuurka, waana tallaabo kaligii-talisnimo ah” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Waxuu ku edeeyay Farmaajo in uu yahay Nin Digtaatoori ah, oo damacsan dalka inuu kusoo celiyo xukunkii kaligii taliska Maxamed Siyaad Barre.
Xasan Sheekh ayaa ka dhigay qorshaha Farmaajo inuu dalka u horseedayo colada iyo food, hadii uu dido inuu talada si nadiif ah ku wareejiyo.
Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Madaxweyne Farmaajo wareegto Madaxweyne uu soo saaray uu ku dib dhigay waxka beddelka dastuurka qabyada ah ee dalka.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.