Xasan Sheekh oo ku sugan furumaha dagaalka Al-Shabaab

Goobo badan ayaa laga saarey Al-Shabaab tan iyo markii Gulufka dagaal uu dalka ka billowday, iyadoo dowladda rajo ka muujisay inay dib ula wareegi doonta degaanada gacanteeda ka maqan.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo ku sugan furumaha dagaalka Al-Shabaab

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maanta oo Sabti ah u ambabaxay furamaha dagaalka xili ay Ciidamada dowladda iyo kuwa Macwiisleey-da ay guulo ka gaarayaan dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab.

Villa Somalia ayaa xaqiijisay safarka Madaxweynaha dalka uu ku tagayo degaanno aan la shaacin magacyadooda oo katirsan HirShabeelle iyo Galmudug, gaar ahaan kuwii dhawaan lala wareegay.

Keydmedia Online ayaa heshay Macluumaad sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh lugta ugu horeysa safarkii uu ku tagayo degmada Maxaas, ee gobolka Hiiraan, oo maanta amnigeeda si weyn loo adkeeyay.

Waa socdaal ujeedkiisu salka ku hayo labo arrimooda oo kala ah inuu Xasan Sheekh soo indha-indheeyo goobaha la qabtay xaaladooda amni iyo inuu dhiiragelin u sameeyo Ciidamada dagaalka ku jira.

Dowladda Soomaaliy ayaa sheegtay in ku dhawaad 60 degaan ay kala wareegtay Al-Shabaab, islamarkaana ay dishay boqolaal xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab, waxaana dagaalka uu galayaa waji cusub, oo Maamul horleh ay kusoo biirayaan.

Goobo badan ayaa laga saarey Al-Shabaab tan iyo markii Gulufka dagaal uu dalka ka billowday, iyadoo dowladda rajo ka muujisay inay dib ula wareegi doonta degaanada gacanteeda ka maqan.

Dagaalka waxa uu xooggiisa ka socdaa Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, oo Al-Shabaab lagu gaarsiiyay jab xoog leh, taasoo muujisay in lala dagaalami karo Kooxda, iyadoo aan lagu tashanaynin Ciidanka ajnabiga [ATMIS].

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.