Xasan Sheekh oo la kulmay hogaanka booliska [Muxuu kala hadlay?]

Booliska ayaa mudooyinkii dambe ka wadey Caasimadda howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana lagula dagaalamayo kooxo burcad ah oo ka dilaacay magaaladda.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo la kulmay hogaanka booliska [Muxuu kala hadlay?]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta booqday xarunta taliska booliska, oo uu kulan gaar ah la qaatay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Talisyada hoggaannada, Taliyeyaasha Ciidamada gaarka ah iyo Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Benaadir.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweynaha uu ku adkeeyey in ay xoojiyaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda iyo guud ahaan dalka, waxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dowladdu siineyso qorshaha ku saleysan xoojinta wadashqeynta shacabka iyo hay’adaha dowladda ee ay booliska ugu horreeyaan.

Qoraal xafiiska Madaxweynaha kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Dowladdda ay ahmiyad gaar ah siineyso horumarinta shuruuc Ciidamada dalka si loo helo sharciyo la jaanqaadi kara hababka casriga ah ee ay waqtigan u shaqeeyaan hay'adaha ammaanka ee caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dowladda cusub ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalka, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida.

Xasan Sheekh ayaa ku celiyay markale in dowladda ay Al-Shabaab kula dagaallamayso hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah. Sidoo kale lwaxuu xusay in dowladda xiri doonto illaha dhaqaalaha Al-Shabaab, si looga adkaado dagaalka.

Booliska ayaa mudooyinkii dambe ka wadey Caasimadda howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, islamarkaana lagula dagaalamayo kooxo burcad ah iyo ciyaal weeraro oo ka dilaacay magaaladda, kuwaasoo dhibaato dhac baahsan ah ku hayo bulshadda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.