KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u sheegay Antony Blinken iyo Lloyd Austin in Soomaaliya ay xiligan u baahan tahay taageeradda Mareykanka, dhinaca dagaalka Al-Shabaab.
WASHINGTON - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Washington kula kulmay Madax sare oo katirsan maamulka Biden, oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Antony Blinken iyo Wasiirka difaaca Lloyd Austin.
Kulanka ayaa Xasan Sheekh kula qadaagey Madaxda Mareykanka guulaha dowladda Soomaaliya ka gaartey dagaalka Al-Shabaab iyo isbedellada dihinac dhaqaalaha, oo IMF ay amaantay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u sheegay Antony Blinken iyo Lloyd Austin in Soomaaliya ay xiligan u baahan tahay taageeradda Mareykanka, dhinaca dagaalka Al-Shabaab.
Labada Mas'uul ayaa u xaqiijiyay Xasan Sheekh in Maamulka Biden ay ka go'an tahay inuu Soomaaliya ka caawiyo dib usoo kabashadda iyo soo celinta nabadda, muddo 30 sano ah ka maqan.
Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed la qaatay Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobey Marwo Linda Greenfield.
Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Linda guulaha laga soo hoyey dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, waxa uuna tilmaamay saameynta cuna-qabateynta dhanka hubka ee saaran Soomaaliya, isagoo sheegay in si naf hurnimo leh ay ciidamada Soomaaliyeed ku xoreeyeen gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.