Xasan Sheekh oo safar aan horey loo shaacin ku tagey Jabuuti

Waa Safarkii 2aad oo Madaxweynaha uu ku tagayo tan iyo bishii July 2022, waxaana fahfaahin badan laga heynin ujeedka socdaalka hadda.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo safar aan horey loo shaacin ku tagey Jabuuti

MUQDISHO, Soomaaliya - Kadib markii uu Xariga ka jaray dekadda Garacad, ee gobolka Mudug, qeybta Puntland ayuu Xasan Sheekh uu ambabaxay dalka Jabuuti, iyadoo safarkii uu yahay mid aan horey Villa Somalia u shaacin.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu Ismaaciil Cumar Geelle kala hadlo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, oo Villa Somalia taageero gobolka iyo Caalamka uga raadinaysa, si loogu guuleyso howlgalka.

Waa Safarkii 2aad oo Madaxweynaha uu ku tagayo tan iyo bishii July 2022, waxaana fahfaahin badan laga heynin ujeedka socdaalka hadda. Waxaa la filayaa inay Madaxtooyadda qoraal kasoo saarto.

Jabuuti ayaa kamid ah dalalka ay Ciidanka ka joogaan Soomaaliya, waxaana askarteeda oo loogu yeero HIIL WALAAL joogaan gobolka Hiiraan, oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab mudo 10 sano ka badan.

Xasan Sheekh ayaa abaabulay dagaalka dadka degaanka ay ka qeyb-qaadanayaan, waana markii ugu horeysay oo guluf Soomaali hogaaminayso, oo shisheeye ku jirin lagu qaado Al-Shabaab.

Hadii lagu adkaado dagaalka socda, oo Al-Shabaab dalka laga sifeeyo, waxay u galaysaa Xasan Sheekh Taariikhda baa-dahab ah, maadaama Kooxda laga adkaan waayay mudo 15 sano ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.