Xasan Sheekh oo safarkii 7aad ugu sii jeeda dal khilaaf kala dhaxeeyay Farmaajo

Madaxweynaha wuxuu horey u booqday Imaaraadka, Turkey, Eritrea, Jabuuti, Kenya iyo Tanzania, oo kula soo kulmay Madaxdooda ugu sareysa.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo safarkii 7aad ugu sii jeeda dal khilaaf kala dhaxeeyay Farmaajo

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maanta oo Sabti ah dib ugu laabtay Muqdisho, kadib safar labo maalin qaatey oo ku tagey dalka Tanzania oo uga qeybgalay Shirka 22aad ee madaxda Bulshadda Bariga Africa [EAC].

Xasan Sheekh ayaa u gudbiyay EAC markii 3aad codsiga Soomaaliya inay kamid noqoto Ururka, taasoo wax badan u tareysa dhaqaalaha dalka, sida lagu sheegay war kasoo baxay xafiiskiisa.

Xog hoose oo Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in Xasan uu kusii jeeda dalka Masar, oo uu ku tago Casuumaad uu ka helay dhigiisa C/fitaax Al-Siisi, oo xiriirka Soomaaliya daneynaya inuu dib usoo celiyo kadib markii uu Farmaajo jaray.

Wuxuu noqonayaa safarkiisa 7aad tan iyo markii la doortay bishii May. Madaxweynaha wuxuu horey u booqday Imaaraadka, Turkey, Eritrea, Jabuuti, Kenya iyo Tanzania, oo kula soo kulmay Madaxdooda ugu sareysa.

Socdaalka joogtada ee Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa la sheegay inay dib u dhigayso magacaabista Gollaha Wasiiradda, oo mudo labo bilood laga sugayo RW Xamse Cabdi Barre.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.