Xasan Sheekh oo shaaciyay Goorta lasoo celinayo askarta Eritrea ku maqan

Fahad Yaasiin, oo ahaa gacanta-midig ee Farmaajo ayaa si qarsoodi ah u qorey dhalinyaradda oo lagu qalday Shaqo been ah dalka Qatar taalla.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo shaaciyay Goorta lasoo celinayo askarta Eritrea ku maqan

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maanta ku dhawaaqay isagoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qatar Doha kula hadlayay in bishan la billaabi doono keenista Ciidanka ku maqan dalka Eritrea.

Xasan Sheekh ayaa tan iyo doorashadiisii labo jeer xeryaha tababarka ku booqday dhalinyarada, oo 5,000 gaaraya, kuwaasoo tan iyo markii tababarka dhameysteen sugayay in dalkooda lagu soo celiyo.

Qeybta 1aad bishn ayay dalka imaan doonaan, iyadoo inta hartay la keenayo bisha soo socota ee sanadkan cusub, waxaana warkan uu ka farxiyay Waalid badan oo Carruurtooda ka maqnaaa.

Fahad Yaasiin, oo ahaa gacanta-midig ee Farmaajo ayaa si qarsoodi ah u qorey dhalinyaradda oo lagu qalday Shaqo been ah dalka Qatar taalla, balse loo qaadey Eritrea 2019-2020.

DAAWO HADALKA XASAN SHEEKH

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.