MW Xasan Sheekh oo shacabka si kulul ula hadlay

Madaxweynaha ayaa sheegay in Shacabka Maanta ay leeyihiin hal cadow oo kaliya, kaasoo ah Al-Shabaab, waxaana uu ku baaqey in cududa iyo caqliga loo mideeyo.

Warar Keydmedia Online
MW Xasan Sheekh oo shacabka si kulul ula hadlay

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa Maanta isagoo ka qeybgalayay Janaazadda AUN Jen Farxaan Qaroole baaq culus u diray Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan.

Wuxuu xusay in dilka Farxaan Qaroole loo baahan yahay inuu horseedo xoreynta dalka, maadaama maalin walba shaqsi muhiim ah ay Al-Shabaab dilayso, islamarkaana laga aamusan yahay.

Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas," ayuu yiri Xasan Sheekh.
 

Isagoo hadalka sii wata, Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in aan suurtagal ahayn in dhex-dhexaad laga noqdo dagaalka socda, isagoo ku tilmaamay qofkii ka hara, uu la jiro Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya argagixisada Alshabaab, taas oo ah waxa ay ku maalgeliyaan dhagarta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.

Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab xasuuq shacabka, oo ay dilayaan Carruur iyo haween, sidoo kalena dadka ay ka cunaqabateeyeen gargaarka xili ay gaajo u dhimanayaan.

Fariinta Madaxweynaha ayaa ah in loo midooobo dowlad iyo shacab dagaalka socda ee Al-Shabaab dalka oo dhan looga xoreynayo, maadaama mudo dhibaato iyo cabsi-gelin lagu soo jiray.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.