KEYDMEDIA ONLINE DIB U HABEYN BAA KU SOCOTA
Sida ay hore u baahisay KEYDMEDIA ONLINE, Xasan Sheekh, ayaa wada magacaabiddii ugu badneyd tan iyo markii uu xaafiiska la wareegay, wuxuuna xilal ku tixay shaqsiyaad xubno ka ah xisbigiisa UPD.
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dhawaan la wareegay xilka ugu sarreeya dalka ayaa si xowli ah u wada magacaabidda xilal dowladeed, isagoo meesha ka saaraya shaqsiyaadkii sida dhow ula shaqeynayay Madaxweynihii hore Maxamed Farmaajo.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Garyaqaan Ibraahim Idle Sulaymaan, u magacaabay La-taliyaha dhanka Sharciga, xilli la saadaalinayay in jagadaas loo magacaabi doono Prof, Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari], oo hadda aad ugu dhow Madaxweynaha cusub.
Xassan Aadan Hoosow, ayaa sidoo kale, loo magacaabay La-taliyaha dhanka Dhaqaalaha ee Madaxweynaha, kaasoo ka mid ahaa dhallinyarada aqoon yahannada ah ee aadka uga soo hor jeeday nidaamkii Farmaajo, lana dhacsanaa howlihii Midowga Musharrixiinta.
Inta badan shaqsiyaadka uu ilaa hadda xilalka u magacaabay Xasan Sheekh, ayaa u badan dad si gaar ah ugu dhow, ama ka tirsan xisbi siyaasadeedka uu hoggaamiyo ee UPD, waana tallaabo muujin karta in Madaxweynaha 10-aad ay ku xeeran yihiin koox gaar ah.
Xasan, waxaa la filayaa inuu is baddel xooggan ku sameeyo, hoggaanka hay’adaha amniga iyo guud ahaan hoggaanka Ciidanka Qalabka Sida, waxaana isha lagu hayaa sida uu u maareeyo, arrinta ciidamada oo kala daadsanaan xooggan ka dhex jirto.
Taliyaha hay’ada NISA, ayaa la filayaa in loo magacaabo, mid ka mid ah shaqsiyaadkii sida weyn u dhisay Xasan Sheekh, halka Taliyaha Booliska uu ka imaanayo saraakiishii qeybta ka ahayd abaabulkii Badbaado Qaran, gaar ahaan garabkii Xasan Sheekh.
Agaasimaha Guud iyo Agaasime ku xigeynka Madaxtooyada, ayaa hore loogu magacaabay shaqsiyaad xubno ka ah UPD, Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada iyo Afhayeenka Madaxtooyada, ayaa sidoo kale loo magacaabayaa shqsiyaad xisbigaas ka tirsan.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments
There are no comments for this entry yet.