Xasan Sheekh oo taageero u helay qaadista cunaqabateynta hubka

Waxaa kusoo biiray ololaha taageeradiisa Uganda, iyadoo horey Itoobiya u muujisay taageerro noocaas ah, kadib markiii Xasan Sheekh dhawaan Addis Ababa kula soo kulmay RW Abiy Axmed.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo taageero u helay qaadista cunaqabateynta hubka

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taageero u helay ololaha ku aaddan in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, si dalka u tayeeyo, una qalabeeyo Ciidankiisa.

Waxaa kusoo biiray ololaha taageeradiisa Uganda, iyadoo horey Itoobiya u muujisay taageerro noocaas ah, kadib markiii Xasan Sheekh dhawaan Addis Ababa kula soo kulmay RW Abiy Axmed.

Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in bisha November ay u codeeyaan dib u cusboonaysiinta xayiraadda, taasi oo ay Soomaaliya doonaysa in laga qaad si ay si wanaagsan ula dagaalanto Al-Shabaab.

Taageeradda Itoobiya ayaa timid kadib markii labo weerar bishii July 2022 Al-Shabaab uga soo qaadey dhanka gobolka Bakool, kuwaasoo looga dilay askar badan oo kuwa xuduuda ilaaliya ahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay dalalka deriska inay dani ugu jirto in Soomaaliya laga qaadao xayiraadda hubka, islamarkaana ay Al-Shabaab ku jebiso gudaha, si khatarteeda meelo kale u gaarin.

Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ayaa 30-kii September kala saxiixday heshiis ku aadan la dagaalanka Al-Shabaab, kaasoo sidoo kale qeyb ka ahaa iskaashi ganacsi iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Bishii August, Xasan Sheekh ayaa booqday Uganda, isagoo kulan la yeeshay Yoweri Museveni oo taageeray in la qaado in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, isagoo xusay in hadii aan taas la sameynin dalka uu waligiisa ku tiirsanaan doono Ciidanks shisheeye oo amnigiisa u ilaaliya.

Uganda ayaa ah dalka askarta ugu badan ka jooga Soomaaliya, marka loo eego Kenya, Itoobiya, Jabuuti iyo Burundi, oo dhamaantooda qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.