Xasan Sheekh oo u ambabaxay Eritrea [Xogta safarkiisa]

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkiisa seddexaad maanta ku aadday dalka Eritrea, oo mudo labo sano ah lagu tababaray Ciidamo Fahad Yaasiin si qarsoodi ah ugu diray.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo u ambabaxay Eritrea [Xogta safarkiisa]

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacado ka hor aadday dalka Eritrea, kadib Casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaas Isaias Afwerki.

Keydmedia Online ayaa labo maalin kahor heshay xogta safarka Madaxweynaha ee Asmara [Halkan ka akhriso], iyadoo qorshaha uu yahay soo arkida kumanaan askari oo labo sano nolol iyo geeri lagu waysanaa, kuwaasoo maamulkii Farmaajo si qarsoodi ah ugu baaqey Asmara 2019-2020.

Madaxweynaha safarkiisa ayaa ku qotoma arrimo ay ka mid yihiin ciidamada Soomaaliya ka jooga dalkaas, kuwaas oo tiradooda lagu sheegay 5,000 (shan kun).

Kooxdii Farmaajo ayaa Ciidamadan qaab qarsoodi ah ku geeyey Casmara, waxaana la rumeysan yahay in ay dhaxleen caqabado kala duwan, iyadoo qaarkood ay geeriyoodeen intii ay Casmara tababarka ugu maqnaayeen.

Xasan Sheekh ayaa dhowr mar ka hadlay arrinta ciidamadan, wuxuuna ka mid yahay siyaasiyiinta rumeysan in qeyb ka tirsan ciidamada Soomaalida loo adeegsaday dagaalkii ay Itoobiya la gashay kooxda TPLF.

Sidan KON Khamiistii daabacday, Xasan Sheekh safarkiisa ayaa qaadan doonaa muddo 4 cisho ah, waana midkii seddexaad ee uu madaxweynuhu dalka uga baxo mudo bil ka yar, isagoo horey u booqday Imaaraadka iyo Turkiga.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.