Xasan Sheekh oo Wasiir hore u magacaabey xil sare

Hadliye ayaa soo noqday gudoomiyaha Bangiga Dhexe iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda mudo-xileedkii hore ee Xasan Sheekh, waxaana xilka laga qaadey markii uu Farmaajo yimid.

Warar Keydmedia Online
Xasan Sheekh oo Wasiir hore u magacaabey xil sare

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Maanta u magacaabey Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda C/salaan Hadliye Cumar inuu noqdo Ergaygiisa Bulshadda Bariga Afrika.

Hadliye ayaa soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda intii u dhaxaysay 2015 iyo 2017, isagoo kahor qabtay xilka Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, oo iska-casiley 2013 kadib markii musuq-maasuq kusoo baxay.

Cabdisalaan Hadliye Cumar, ayaa shaqada ka tagay bishii Sebtembar 2013 kadib markii warbixin ay soo saartay U.N. Monitoring Group ku eedeysay isaga wax isdabamarin la xiriirta malaayiin doollar oo lagala baxay Bangiga Dhexe.

Hadliye oo ah dhaqaalyahan, degan Mareykanka ayaa kasoo jeeda Beesha Gadabuursi, oo degta gobolka Awdal, ee Somaliland. Waxay aad isagu dhaw yihiin Xasan Sheekh, oo kooxdiisa Damul-jadiid katirsanaa mudo dheer.

C/salaan waxuu door dhexe ka ciyaaray lacag badan oo lagala baxay Bangiga Dhexe, oo aan xisaab-xir lagu sameynin, taasoo a sheegay inay madaxdii xiligaas xukunka haysatay ay dano shaqsi ah u isticmaaleen.

Gabadhii bedeshay, Yusra Abraar, oo ahayd haweeneydii ugu horreysay ee loo magacaabo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe, ayaa si lama filaan ah isaga casishay xilka 7 toddobaad oo ay shaqada ku jirtay, iyadoo ku sababaysay arrimo la xiriira musuqmaasuq.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.