Xasan Daahir ” Ma burburin Xisbul islaam ”

Hogaamiyaha ururka Xisbul Islaam Sheikh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir saxafaadeed ku qabtay gudaha...
Warar Keydmedia Online

 ...Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aanu bur burin xisbul islaam

Hadalka Xasan Daahir ayaa ka danbeeyay kadib markii maalmihii la soo dhaafay ay aad u soo bateen warar tilmaamaya in Xisbul islaam uu sii laciifayo isla markaana saraakiishii ugu muhiimsaneed xisbiga ay ku biireen xoogaga Al-shabaab .

Dahanka kale Mr Aweys waxa uu eedeyn kulul u jeediyay Dowladaha Maraykanka iyo Itoobiya waxaana uu sheegay in ay dhibaato xoog leh wajihi doonaan hadii aanay faraha kala bixin arimaha soomaaliya sida uu hadalka u dhigaye.

Ugu danbeyn waxa uu sheegay Xasan Daahir in ay sii wadi doonaa doonaan Dagaalada ay ka wadaan Gayiga Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwa jihaad ah.

 Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.