Xasanow isla-xisaabtanku kala aarsi maaha

Shaqooyinka hor yaalla nidaamka cusub, waxaa ugu horreeya, la xisaabtanka shaqsiyaad, danbiyo waaweyn galay, kuwaas oo qaarkood dacwo ku furan tahay, yeelkeede, awooddooda siyaasadeed awgeed loola xisaabtami waayay muddo shan sano ah.

Warar Keydmedia Online
Xasanow isla-xisaabtanku kala aarsi maaha

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha dooran ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu markii Baarlamaanka 11-aad codkooda siiyeen Axaddii la soo dhaafay, si cad u sheegay in Dowladdiisu aysan sameyn doonin ka aarsi siyaasadeed, eraygaas oo loo fasirtay siyaabo kala duwan, doodo adag ayaana ka soo laabtay.

Dadka qaar ayaa is weydiinaya, in Xasan Sheekh uu ereyga “Ka aari” booskiisa galiyay “isla-xisaabtan”, taasoo muujisay shaki ah in Madaxweynaha dhawaan galka ah, uu soo laabayo eedaha ka dhanka ah Kooxda hadda banneyneysa Madaxtoyada ee gabood-fallada waaweyn geysanayay shantii sano ee la soo dhaafay.

Shaqooyinka hor yaalla nidaamka cusub, waxaa ugu horreeya, la xisaabtanka shaqsiyaad, danbiyo waaweyn galay, kuwaas oo qaarkood dacwo ku furan tahay, yeelkeede, awooddooda siyaasadeed awgeed loola xisaabtami waayay, hadda waxaa isha lagu haya sida arrinkaas u maareeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan, wuxuu xor u yahay inuu cafiyo wixii isaga shaqsi ahaan ama koox ahaan dhibaato loo geystay, hayeeshee, waxaa waajib ku ah, inuu la xisaabtamo shaqsiyaadka gabood-fallad galay ee Farmaajo, Fahad, Kheyre, Kullane, Farey, Biixi, Wadne-qabad, Xijaar iyo Qaroole ugu horreeyaan, waana talaabo ay indhaha ku hayaan shacabka.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud, waa inuu dib u soo celiyo shaqaalihii shaqooyinkooda ku waayay beegsi gaar ah, shantii sano ee la soo dhaafay, isla-markaana uu soo celiyo jagooyinka saraakiisha ciidanka qaabka qabyaaladeed darajooyinka looga rifay, dib u eegisna ku sameeyo shaqaalaha iyo ciidanka la naas-nuujiyay.

Kooxda xaafiiska banneyneysa, gaar ahaan Farmaajo, wuxuu dhamaan safaaradaha Soomaaliya dunida dacalladeeda ku leedahay ka howl-galiyay dhallinyaro isaga ku heyb ah, halka kuwo qabiillo kale oo hore u joogay safaaradaha uu shaqada ka raacdeeyay, nidaamka cusub ee talada la wareegaya waa inuu baarritaanno ku sameeyo arrinkaas.

Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee doorashooyinka ku guuldarreystay, waxa ay shantii sano ee la soo dhaafay u taagnaayeen, hirgalinta siyaasad kala aarsi ah, kala adkaansho ah, cabburin iyo caga-jugleyn ah, waana lama huraan in wax laga weydiiyo dhibaatooyinka ay geysteen, Xasan Sheekh waxaa laga sugayaa isla-xisaabtan dhab ah.

KEYDMEDIA ONLINE   

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.