Xeefow “Ciidamadii Hore waa la badalay”

Gudoomiyaha gudiga fulinta Ahlu-suna Shiekh Max'ed Yuusuf Xeefow oo dad isu soo baxay kula hadlay fagaaro ku yaala gudaha Magaalada Guriceel ee gobalka Galguduud ayaa waxa uu sheegay in is badal lagu sameeyay ciidamadii Maamulka Ahlu-suna ee Deegaanadaasi.
Warar Keydmedia Online

Xeefow waxa uu sheegay in taliya cusub loo magacaabay degmada kaa oo noqon doona Cali Cigaal waxaana uu sheegay in ciidamadan ay si dar dar leh u howl gali doonaan isla markaana Amaanka iyo kala danbeynta magaalada ay habsami leh u ilaalin doonaan isagoona dhanka kale dadka deegaanka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan.

Taliyaha Cusub oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay dadaali doonaan waxa uuna ku hanjabay in qofkii lagu arkaa amni daro gudaha Magaalada guriceel ay talaabo waafaqsan sharciga islaamka ka qaadi doonaan waa sida hadalka uu u dhigaye.

Guriceel oo ah halka ay ka soo abaabulmeen Ciidamada ahlu-suna oo xilidhaw ku soo biiray legdanka Siyaasada ee Dalka ayaa waxaa baryahan ku soo noqnoqday falal amni daro, iyadoona macna ahaan isbadalkan dhanka ciidanka ee lagu sameeyay ay u dhigmeyso in ciidamadii hore dulduleelo laga helay.

Keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.