Xeer ilaalinta Puntland oo 6 maalin uqabatay shaqaale ka tirsan UN ka

Xeer ilaaliye ku xigeenka Dowlad goboleedka Puntland ayaa muddo lix maalin ah u qabtay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay kuwaasoo bixin waayay lacagtii canshuurta ee ku waajibtay.

Warar Keydmedia Online
Xeer ilaalinta Puntland oo 6 maalin uqabatay shaqaale ka tirsan UN ka

GAROWE, Soomaaliya - Xeer ilaaliye ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa shaqaale ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ku eedeeyay inay bixin waayeen lacagihii canshuurta ee ku waajibay dhammaan shaqaalaha ku sugan Puntland, waxa uuna amray in lasoo xiro haddii ay ku bixin waayaan muddo lix maalin ah lacagta canshuurta ee ku waajibtay, sidoo kale wuxuu sheegay xeer ilaaliyuhu in la xiri doono xafiiska haddii muddadaas la gaaro shaqaalahana ay bixin waayaan canshuurta.

Magacyada qaar kamida shaqaalaha Qaramada Midoobay ee lixda cisho loo qabtay waxay kala yihiin.

Shaqaalaha ayaa dhammaantood ka howl gala xafiisyada kala duwan ee hay'adaha hoos yimaada UN ka, kuwaasoo ka shaqeeya degaannada Puntland maamusho.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.