Qoorqoor oo lagu hareereeyay Gaalkacyo

Muranka ka dhashay boobka Qoorqoor la doonayo kursigaan, wuxuu gadaal u sii dhigay, waqtigii la qorsheeyay in la qabto doorashada Saddexda kursi ee HOP095, HOP038  HOP069.

Warar Keydmedia Online
Qoorqoor oo lagu hareereeyay Gaalkacyo

Gaalkacyo, Soomaaliya – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay uu socday, abaabul ciidan oo ay sameynayaan beelaha leh, kursiga, HOP095, oo muran xooggan ka taagan yahay habraaca loo marayo doorashadiisa.

Sida ay Keydmedia Online, u xaqiijiyeen, dad kala duwan oo ku sugan koofurta Gaalkacyo, ciidamadii ugu badnaa iyo gaadiid dagaal ayaa lagu arkayaa, agagaarka madaxtooyada Galmudug ee Gaalkacyo, halkaasoo uu ku sugan yahay Madaxweyne Qoorqoor.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa sidoo kale, muujinaya, ciidamo xooggan oo ku sugan afaafka hore ee Madaxtooyada, kuwaas oo si cad u sheegay in uusan Qoorqoor ka bixi karin halka uu ku jiro.

Ciidamadaan ayaa diiddan, qorshaha, Axmed Qoorqoor ku doonayo inuu kursiga, HOP095, u boobo, shaqsiyaad uu Farmaajo soo dirsaday iyo inuu ku tunto qeybta beelaha uu ka dhaxeeyo kursiga.

HOP095, ayaa sabab u noqday, in Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug, uu muddo hal maalin ah dib u dhigo, shaacinta Guddiga Xulista ergada, saddex kursi oo maanta la filayay in la shaacoiyo.

Sidoo kale, muranka ka dhashay boobka Qoorqoor la doonayo kursigaan, wuxuu gadaal u sii dhigay, waqtigii la qorsheeyay in la qabto doorashada Saddexda kursi ee HOP095, HOP038  HOP069.

Qoorqoor, ayaa hore u boobay kuraas badan, hayeeshee, sida muuqata wuxuu ku fashilmi karaa, inuu HOP095, u dhaco Cabdikariin Dhalac, oo Farmaajo ku daaban.

Qoorqoor, wuxuu hore ugu fashilmay, inuu boobo, kursiga HOP060, kaas oo Qaali Cali Shire, kaga adkaatay Ubax Tahliil, oo shanti sano ee la soo dhaafay, ka mid ahayd adeegayasha Farmaajo.

KEYDMEDIA ONINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.