Xiisad colaadeed ka taagan Bu’aale

Bu’aale(keydmedia) Wararka laga helayo degmada Bu’aale ee gobalka J.dhexe ayaa sheegeya in halkaasi ay ka taagantahay xiisad colaadeed u dhaxeysa Shabaab iyo dadka deegaanka.
Warar Keydmedia Online

Xiisadan ayaa la sheegay in ay salka ku heyso khilaaf la xiriira geedaha dhuxusha laga sameeyo kuwaasoo ganacsatada dhuxusha gubta ay shabaabka u fasaxeen, wallow arinkaasi ay ka biya diidan yihiin dadka deegaanka arinkaasi.

Shabaabka ayaa doonaya in ay dadka deegaanka ee arinkaasi diidan in ay ku qasabaan in la jaro dhirta deegaanka waxaana halkaasi iminka ka soconaya isu hub urursi balaaran.

Arinkan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay dadka barakacayaasha ah ee ku nool degmada Bu’aale ee gobalka jubadda Dhexe.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.