Xiisad ka taagan Gobalka Gedo

GEDO(KEYDMEDIA) Xiisad dagaal oo xoogan ayaa laga dareemaya qeyba ka mid ah gobalka Gedo oo ay dhawaantan ku dagaalamayeen ciidamo kala taabacsan Shabaab iyo dowlada.
Warar Keydmedia Online

Deegaanka Bohal Bashiir ilo ku sugan ayaa waxa ay ku waramayaan in tan iyo xalay ay dhinacyada is weedaarsanayaan Madaafiic iyadoona aanu jirin dagaal waji ka waji ah oo hada goobta ka socda.

Mudadii la soo dhaafay ayaa Alshabaab iyo dowlada waxaa ku dhex marayay Gobalka Gedo qeybihiisa kala duwan dagaalo dhaxalkooda uu noqdo dhibaato gaarta shacabka Soomaaliyeed.

Shabaab iyo dowlada ayaa siyaaba kale duwan waxa ay u sheegeen in ay ka go’antahay la wareegida gobalkaasi iyo wiiqida awooda dhanka kale.

WWW.KEYDMEDIA.NET

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.