Xiisado Dagaal oo Maanta ka jira Gobbolka Gedo

Kismaayo (Keydmedia) - Deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Gedo waxaa maanta ka jira dhaq dhaqaaqyp ciidan iyo abaabul dagaal oo xoogg leh ayadoona laga cabsi qabaa in uu ka qarxo dagaal u dhexeeya Ciidamada Dawladda KMG ah iyo Al shabaab.
Warar Keydmedia Online

Goobaha xiisadaha iyo dhaq dhaqaaqyada ka jiraan ayaa waxaa kamid ah deegaanka Tarata oo qiyaastii 40km dhanka galbeedka uga beegan degmada Baardheere ee gobbolka Gedo halkaasoo la sheegay inay ka soo ruqaansadeen Ciidamada dowldda KMG ah iyo kuwa Kenya oo wata Taangiyada dagaalka iyo baabuurta dagaalka oo aad u qalabeysan.

Qaar badan oo kamid ahaa dadkii degmada ayaa u barakacay dhanka duurka howdka ah iyaga oo ka cabsi qaba dagaal ka dhaca magaalada.

Degmada Baardheere ayaa waxaa ka taagan cabsi xooggan, waxaana lagu soo waramaya in Maleeshiyaadka Shabaabka ee halkaasi ku suggan ay bilaabeen inay Ciidamadooda heegan galiyeen.

Warar madax banaan oo laga helaayo magaalada Baardheere ayaa sheegay in Maamulka kooxda Shabaabka  ee Baardheere ay xabsiyada ka sii daayeen maxaabiis ku xirneyd xabsiga inkastoo aan sababta la ogeyn.

Maleeshiyaadka kooxda Shabaabka ayaa horay u dhumiyay magaalooyin badan oo Koonfurta ka tirsan taasoo Maleeshiyaadka u keentay dhabar jab xooggan.

Keydmedia.net - Xafiiska, Kismaayo

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.