Xiisado U Dhaxeeya Shababka & Galmudug

Wararka naga soo gaaraya Degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo badan oo ay wadaan Maleeshiyaadka shabaabka ee ku sugan degmadaas, kadib markii ay kala wareegeen degmada maamulkii hore ee Xisbiga.
Warar Keydmedia Online

Wararka aan ka helayno gobolka Mudug ayaa sheegaya in Horjoogayaashal shabaabka ee dhowaan kala wareegay degmada Xarardheere Ururkii hore ee Xislbul Islaam ay wadaan abaabulo ay ku doonayaan in ay kula wareegaan degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka Mudug, gaar ahaan degaanka Hobyo oo ah halka ay hadaa gacanta ku hayaan maamulka Galmudug, waxaana la sheegay in Maamulka uu dhankiisa ka wado abaabulo uu ku doonaayo inuu ku difaaco degaanada weearo kaga yimaada Maleeshiyaadka Shababka oo aad u doonaya iney gacanta ku dhigaan degmada Hobyo.

Afhayeen Maleeshiyadka shabaabka ayaa dhawaan safar uu ku tegay Degmada Xarardheere wuxuu ka sheegay xilli uu warbaahinta ka hadlayey in ay ku wajahan yihiin degmooyin ku dhaw dhaw degmada Xarardheere ee isla Gobolka Mudug, iyadoo arinkaas ay si kulul uga jawaabeen maamulka Galmudug ee haatan gacanta ku hay inta badan gobolka Mudug.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhankooda iyana laga dareemayaa abaabulo maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ay wadaan Xarakada Alshabaab gobolkaas.


Source: wadanka

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.