Xil wareejin ciidan oo Baladweyne ka dhacday

Waxaa maanta magaalada Baladweyne xilalkii ku kala wareegay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ee ka howl gala magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Xil wareejin ciidan oo Baladweyne ka dhacday

BALADWEYNE, Soomaaliya - Xil wareejin ay goobjoog ka ahaayeen mas'uuliyiin sare oo ka tirsan CXDS ayaa waxay ka dhacday magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Abaanduulaha cusub ee guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD Dhamme Cali Cabdulle Hiraabe ayaa maanta xilka la wareegay.

Taliye ku xigeenka qeybta 27-aad ee CXD Generaal Saalax Yacquub Cali ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Abaanduulihii hore ee guutada 5-aad Kor Cabdulahi Barre Cilmi iyo Abaanduulaha cusub ee guutada 5-aad Dhamme Cali Cabdulle Hiraabe.

Kor Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan ka howlgasha ayaa abaanduulaha cusub kula dardaarmay in uu guto waajibkiisa shaqo halka ciidanka CXD uu ku amaanay sida aay u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.