Xildhibaan Aamina oo qarax lagu dilay

Qarax is-miidaamin ahaa ayaa lagu dilay, kaasoo loo maleynayo inuu ahaa mid laga soo shaqeeyay, oo abaabulan.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Aamina oo qarax lagu dilay

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Xildhibaan Aamin Maxamed Cabdi, oo kamid ahayd Baarlamaanka 10aad ee hadda booska sii banaynaya, ayaa lagu dilay Qarax ka dhacay magaaladda Beledweyne.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku duubey Aamina, kadibna isku qarxiyay, taasoo keentay inay goobta ku dhimato, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha amniga magaaladda.

Waxaa lagu beegsadey afaafka hore Xerada Lama-Galaay, gaar ahaan guriga uu degan yahay Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, waxaana sidoo kale ku dhinaty weerarka dad kale.

Aamina waxay u tartamaysay mar 2aad Kursiga ay ku fadhisay ee tirsigiisu yahay Hop135, kaasoo uu kula tartamayay Cumar Faaruuq, oo ah madaxa NUSOJ, oo Villa Somalia taageerayso.

Allah ha u naxariistee Aamina ayaa lagu xasuusan doonaa inay ahayd qof aan ka baqin, codkar ah, oo safka hore uga jirtay cadaalad u helidda Ikraan Tahliil, oo lagu dhex-dilay Hay'adda NISA.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Xasan Dhuxul oo ahaa musharax Xildhibaan uu ka mid noqday dadka Caawa Qaraxa Baledweyne ku geeriyooday.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.