Xildhibaan Kismaayo lagu doortey oo meydkiisa Nairobi laga helay

Magaalada Nairobi, ee Caasimadda Kenya ayuu shalay galab ku geeriyoodey, isagoo aan wali loo dhaarin xilka Xildhibaanino oo bishii tagtey loo doortay.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan Kismaayo lagu doortey oo meydkiisa Nairobi laga helay

KISMAAYO, Soomaaliya - Maxamuud Maxamed Kulow, oo bishii lasoo dhaafay Kismaayo lagu doortay, ayaa geeriyoodey kahor inta aan loo dhaarin kursiga Hop079 ee Baarlamaanka 11aad.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya geerida Xildhibaanka, iyadoo ilo xog-ogaal ah ay sheegayaan in meydkiisa laga helay guri uu seexday. Wararka qaar ayaa sheegaya in xanuun uu u dhintay.

Axmed Madoobe, Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanka cusub, waxaana jirin illaa hadda cid bixisay macluumaad la xiriira sababta dhimashiisa.

Waxaa Kismaayo ka jirta beegsiga lagu hayo siyaasiyiin iyo dadka feker ahaan Axmed Madoobe kasoo horjeeda, iyadoo maalmo kahor lagu dilay Sheekh C/naasir oo arrimo diimeed u joogay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.