Xildhibaan kale oo u geeriyoodey COVID-19

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Xildhibaanka uu qeyb wayn ka qaatay dhismaha maamulkiisa Jubbaland.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan kale oo u geeriyoodey COVID-19

KISMAAYO, Soomaaliya - Cabdi Xasan Xiish oo katirsanaa Baarlamaanka Jubbaland ayaa saakay oo Khamiis ah ku geeriyoodey magaaladda Kismaayo, ee xarunta Jubadda Hoose.

Xildhibaanka ayaa mudooyinkii dambe ku jiray xaalad xanuun ah kadib markii uu ku dhacay COVID-19, kaasoo ugu dambeyntii maanta uu u dhintay, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeeyay Axmed Madoobe iyo Madax kale.

Waa Xildhibaankii 3aad oo bishan u dhinta COVID-19 gudaha Soomaaliya, iyadoo cudurka uu fara ba'aan ku haya dadka da'ida ah oo noqday ugu ugu badan uu u geeriyoonaya caabuqa safmarka ah.

Soomaaliya waxaa COVID-19 u dhintay ku dhawaad 400 mudo hal sano ah, iyadoo ay jiraan kiisas badan oo dhimasho ah oo dowladda aan diiwaangelin.

Maashinada neefta ayaan lahayn Isbitaallada dalka oo dhan oo saameeyay burburkii dalka, iyadoo taasi keentay inay badato geerida dadka uu soo rito xanuunka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.