Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho

Xildhibaanka oo ka tirsanaa baarlamaanka 2'aad ee Galmudug ayaa dhawaanahaan ku xanuunsanaa Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan ku geeriyooday Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya – Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf (Galti) oo ka tirsanaa baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku geeriyooday isbitaalka Ex-digfeer ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa la sheegayaa in uu dhawaanahaan halkaas ku xanuunsanayay, isla markaana uu shalay gelinkii dambe halkaas ku geeriyooday, sida ay qaar ka tirsan eheladiisa xaqiijiyeen.

Dhinaca kale madaxweynaha Galmudug oo ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaah Ha unaxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti) ayaa yiri:

“Waxaan Tasci Tiiraanyo leh udirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Allaah ha unaxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Sh.Yusuf (Galti) oo maanta ku Geeriyooday Magaalada Moqdisho,

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa Xildhibanada Baarlamaanka 2aad ee Galmudug”

“Waxaan Allaah uga baryeynaa in uu Janadiisa Fardowso ka waraabiyo Samir iyo iimana Allaah Hanaga wada siiyo Dhamaan Ehelada, Asxaabta, shacabka Iyo Xildhibanada iyo Dowlada Galmudug.”

Keydmedia Online

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.