Xildhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Kismaayo

Qaraxa oo ahaa mid aad u culus wuxuu ka dhacay Xaafadda Guulwade, waxaana kadib la maqlay rasaas daqiiqado socotay.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Kismaayo

KISMAAYO, Soomaaliya - Qarax ayaa Caawa ka dhacay magaaladda Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasoo lala eegtay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Sarkaal katirsan booliska magaaladda ayaa u xaqiijiyay Keydmedia Online in qaraxa uu ku dhintay Xildhibaan Khaliif Haashim Mooge, oo qarax loogu xiray gaarigiisa lagu khaarijiyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxa ka dhacay Kismaayo, oo 500-KM Koonfur uga beegan Muqdisho, wuxuuna noqonaya midkii ugu horeeyay oo sanadka cusub lagu daah-furtay.

Kismaayo amnigeeda ayaa mudooyinkii dambe faraha kasii baxaya, waxayna Al-Shabaab u dirtay koox dilalka iyo qaraxyada ka fulisa magaaladda, oo la filayo hadii lagu heshiiyay doorashadda in lagu doorto Xildhibaanada.

Dhamaadkii 2012 ayay magaaladda gashay gacanta Axmed Madoobe, oo halgan 2 sano socday oo Ciidanka Kenya ka gacan siiyeen uga saarey Al-Shabaab oo u ahayd meel dhaqaale badan kasoo gala, oo dhuxusha ka dhoofin jirtay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.