Madaxda Puntland & Jubbaland oo lagu amaaney doorkooda shirka

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS ayaa ku ammaanay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland doorkooda ku aaddan shirka hordhaca ah ee Afisiyooni.

Warar Keydmedia Online
Madaxda Puntland & Jubbaland oo lagu amaaney doorkooda shirka

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Mahad Salaad ayaa si gaara ugu ammaanay uguna mahad celiyay hoggaamiyayaasha Puntland iyo Jubaland in aysan marqaati-beenaale ka noqon waxa uu ugu yeeray doorasho ku sheeg Farmaajo rabo in uu kaligiis isku caano shubo isagoo cudud ciidan adeegsanaya!

Xildhibaanka ayaa yiri "Inta hay’adaha amniga Farmaajo hoos tagayaan, amarna ka qaadanayaan doorasho xor iyo xalaal ah dalkaan kama dhici karto"

Xildhibaanka ayaa sababeeyay aragtidiisa, waxa uuna sii raaciyay "Sababtoo ah ninka Barlamaan waqtigiisii dhamaaday boqolaal ciidan ah soo dul dhoobay, Xildhibaanadana jidadka ka xirtay, amarna ku bixiyay haddii ay sheeda soo istaagaan in shafka xabad laga geliyo, Madaxweyneyaashii hore ee sida dimuquraadiga ah xilka ugu wareejiyay habeen saq dhaxe weeraray ee askartoodiina laayay, hubkoodiina xoog ku qaatay, Siyaasiin iyo shacab si nabad ah u bannaanbaxaya rasaas noolnool la dhacay, hadii mar dambe ay soo baxaana amar ku bixiyay inla laayo. LAGUMA AAMINI KARO AMNIGA DOORASHO SI XOR IYO XALAAL AH LOOGU TARTAMAYO"

Xildhibaan Mahad Salad ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu soo dhammaaday wadahadalladii horudhaca ahaa ee udhaxeeyay madaxda Soomaalida kaasoo kusoo gabagaboobay natiijo la'aan, wasiir Dubbe oo warbaahinta kusoo hormarayna wuxuu eedda fashilka shirka dusha kaga tuuray labada madaxweyne ee uu Xildhibaan Mahad isna ku ammaanay doorkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.