Xildhibaan Cumar Islow: Shariif Xasan wuu dayactiray Villa Hargeysa

Muqdisho(keydmedia) Xildhibaan Cumar Isla woo ka tirsan xogheynta Baarlamaanka ayaa daafacay dhaliilo ay xildhibaanada baarlamaanka qaarkood u jeediyeen Shariif Xasan kuwaa oo sheegayay in shariif Xasan uu tamashle ku jiro isagoo adeegsanaya hantidii umadda.
Warar Keydmedia Online

“ Waxaa lagu eedeeyay in Villa Hargeysa uu dhisay gudoomiyaha isla markaana uu ku bixiyay qarashaad badan iyadoona laga dhisay xaruntaasi baraakado lagu qubeesto iyo beero lagu nasto, waa  wax loo baahanyahay waayo Dalka iyo dadka ayaa iska leh gurigaas” sidaa waxaa yiri Cumar Islow.

Talaabadan uu shariif xasan qarashka badan ugu bixiyay dayactirka Villa Hargeysa ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa xili dad badan oo Soomaaliyeed ay abaaro ugu dhimanayaan gudaha Dalka.

www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.