Xildhibaan dhaliilay maamulka Faroole

Muqdisho (keydmedia) Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka KMG ah kana soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool ayaa si kulul u dhaliilay qaabka maamulka Bari iyo Nugaal uu ula dhaqmo dadka shacabka ah ee ku barkacay deegaanada ay maamulaan.
Warar Keydmedia Online

Xildhibaan Max’ed Cali Diinsoor oo ka soo jeeda Bay iyo Bakool ayaa ku dhaliilay maamulka C/raxmaan Faroole  waxaana uu sheegay in isir takoor xoog leh uu kula dhaqaaqo maamulkaasi dadka dega gobalada koonfureed ee Dalka gaar ahaan Bay iyo Bakool.

Hadalka ka soo baxay xildhibaanka ayaa ku soo beegmaya xili mudooyinkanba maamulka Faroole uu dhibaato ba’an ku hayay shacabka reerka koonfureedka ee ku nool deegaanada uu ka taliyo maamulkaasi.

Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.