Xildhibaanad Caasha C/lle “Baarlamaankan waa mid aan jirin”

Muqdisho(Keydmedia) Xildhibaanad Caasha Axmed C/lle oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegtay in xiligan marka la qiimeeyo sida xaaladda iminka ay tahay.
Warar Keydmedia Online

Caasho Axmed C/lle ayaa si kulul u dhaliishay gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana ay sheegtay in awooda baarlamaanka uu ku tagri falay isla markaana la doonayo in si cad loola xisaabtamo.

Hadalkan ayaa ah mid sii xoojinaya hadalo dhawaanahanba ka soo baxayay xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan kuwaasoo sheegayay in Shariif Xasan uu afduubtay Baarlamaanka isla markaana sida uu doono ka yeesho.

“Xili hore wuxuu la goostay xildhibaano Baarlamaanka ah oo uu Asmara la aaday, hadana wuxuu doonayaa inuu kuwa kale la goosto oo awood qeybsi kale uu ku soo galo dowladda, lagamana yeelayo taas Shariif Xasan” Sidaa waxaa tiri caasha Axmed C/lle, waxaana ay intaasi ku sii dartay in loo baahanyahay Maxkamad in la saaro Shariif Xasan si looga abaalmariyo dhibaatada uu baarlamaanka ku hayo.

Xildhibaanada ayaa hadalkeeda ku dartay in aanay mas’uuliyiinta dowladda aanayba aqoonin xalinta khilaafaadka iyo muranada dhexdooda ah.

www.keydmedia

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.