Gollaha Shacabka oo berri ka doodaya doorashadda

Xildhibaanadda Golaha Shacabka, ayaa loo diray fariin gaaban oo loogu sheegay inuu birri jiro kulan weynihii Baarlamaanka.

Warar Keydmedia Online
Gollaha Shacabka oo berri ka doodaya doorashadda

MUQDISHO, Soomaaliya – Dhawaan ayay Xildhbaannada Gollaha Shacabka gaartay fariin ka timid guddoonka, waxaana loo ballamay kulan ay berri dhacaya, si looga doodo, Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka.

  • M.ne Xil Beri oo Isniinah oo ay Tar 12 April, waxaa jira Kulan weynihii Golaha Shacabka.
  • Agendaha, Ka doodista Mooshin ku sahabsan Doorashooyinka Qaranka
  • Saacadu waa 09:00 subaxnimo.

Sida ay Keydmedia Online, dhawaan baahisay, waxaa socda qorsho la doonayo in Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble, loo loo maro waddada muddo kordhinta.

Rooble, waxaa looga yeeri doonaa Baarlamaanka, waxuuna sheegi doonaa in hannaankii doorasho ee lagu heshiiyay 17 September 2020, uu fashilmay, waxuuna Baarlamaanku codsan doonaa in Xukuumaddu si deg deg ah u soo diyaariso, hannaan doorasho, kaas oo noqon doona mid haddaba diyaarsan oo ah habka Xisbiyada badan.

Arrintaan oo sii xumeyn doonta, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa Madaxtooyadu dajisay, waxaana la qorsheeyay in dib loo soo celsho, Guddigii Doorashooyinka Qaran oo ay hoggaamineysay Xaliimo Ismaaciil ‘Yarey’, oo hore u sheegtay in ay u baahan tahay wax ka badan hal sano si ay u qabato doorasho qof iyo cod ah.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.