Xildhibaanada Somaliland ee Baarlamaanka JFS oo maanta kulmay

Xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka kuwooda ka soo jeeda gobollada Waqooyi ee Maamulka Somaliland ayaa maanta sheegay in ay kasoo horjeedaan hadalkii Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

Warar Keydmedia Online

Shir ay maanta ku yeesheen Xildhibaanadaan magaalada Muqdisho ayee sheegene in ay kasoo horjeedaan Guddoomiyaha Aqalka Sare. 

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay u wakiisheen inay soo magacaawdo xubnaha Maamulka Somaliland ku meteli doona guddiyadaas.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, ayaa shalay sheegay in Dowladda Federaalka xaq aysan u laheen inay magacowdo guddiga doorashada ee Xildhibaanada Somaliland.

Cabdi Xaashi ayaa diray Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Rooble warqad ku taariikheysan 1-da Novembar, oo ugu sheegay inaysan sax ahayn in DFS ay magacowdo guddiga Somaliland, iyadoo Maamul Goboleedyada loo ogolaaday inay iyagu magacaabaan.

Kulanka Xildhibaanadaan ayaa u eg mid ay Villa Soomaaliya abuubushay. 

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.