Xildhibaannada KGS looma joojinaayo doorashada -Jawaari

Prof. Jawaari, wuxuu sheegay in qodobka 65-aad ee Dastuurka dalka uu dhigayo, in Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadiisa, ay dooran karaan, aqlabiyadda tirada guud ee Xubnaha Golaha Shacabka oo ah 139 Xildhibaan, [50+1].

Warar Keydmedia Online
Xildhibaannada KGS looma joojinaayo doorashada -Jawaari

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari], oo Madaxweynaha Koofur galbeed iyo Madaxtooyada Soomaaliya, ka hor istaageen inuu u tartamo kursiga HOP103, ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in haddii (Quorum) guntanka Baarlamaanku buuxsamo la qaban karo doorashada Guddoonka Golayaasha.

Sidoo kale, Prof. Jawaari, wuxuu sheegay in maadaama uu hadda buuxsamay guntanka Golayaasha, aysan jirin sabab loo sugo Xildhibaannada maamulka KGS, ee Cabdicasiis Laftagareen ku xayiray Baydhabo, wuxuuna caddeeyay in Dastuurka dalka u yaalla, uu ogollaanayo in wixii xilligaan ka danbeya loo dareeyo doorashada Guddoomiyayaasha Baarlamaanka.

Maxamed Sheekh Cusmaan, wuxuu si la mid ah kuraasta KGS, sheegay in aysan muhiim ahayn in loo xayirnaado 16-ka kursi ee taalla gobolka Gedo, oo dadkii lahaa diideen in ay doortaan iyo afarta kursi ee Guddiga FEIT diideen in la ansixiyo natiijada doorashadooda, maadaana markii hore lagu doortay sifo baalmarsan habraacyada doorashada.

Prof. Jawaari, wuxuu sheegay in qodobka 65-aad ee Dastuurka dalka uu dhigayo, in Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadiisa, ay dooran karaan, aqlabiyadda tirada guud ee Xubnaha Golaha Shacabka oo ah 139 Xildhibaan, [50+1], halka ay sidaas oo kale, Guddoomka Aqalka sare ay dooranayaan 28 Senator, Sida uu dhigayo qodobka 73aad.

Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, waxaa tilmaamaya, qodobka 89aad dastuurka, waa in ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo tirada guud ee Gole walba ee Baarlamaanka Federaalka, oo dhan 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ka tirsan iyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah ka mid ah.

Jawaari, wuxuu Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre iyo Farmaajo, hoggaaminayeen, ku diiday sharciyeynta dhiibistii Qalbi-dhagax, iyo in ururka ONLF, lagu daro Liiska Argagaxisada, taas oo sababtay in si qasab looga tuuro xilkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Apr 9, 2018, isla-markaana hadda laga hor istaago inuu dib ugu soo laabto Baarlamaanka.

Doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa maraya meel gabogabo ah, hayeeshee, Madaxweynaha maamulka Koofur galbeed, oo Farmaajo ku garab taagan in doorashooyinku dib u sii dhacaan, ayaa diiddan in ay shahaadooyinka qaataan Xildhibaannada dhaar sugayaasha ah ee laga soo doortay Baydhabo iyo Baraawe.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.