Xildhibaannadii Fahad soo saaray side loo aaminay?

Qeyb badan oo ka mid ah dhallinyaradaas waxa ay shalay ku doodeen in ilaaladooda looga reebo baraha Koontrool ee laga ilaaliyo xarumaha Dowladda, isla-markaana aysan helin xushmadda xasaanadda Xildhibaannimo laguna dhibaateeyo Koontaroollada.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaannadii Fahad soo saaray side loo aaminay?

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa shalay is hor istaag ku sameeyay kalfadhiga labaad kulankiisa 1aad ee Golaha oo ajendihiisu ahaa qaybinta iyo aqrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korontada.

Is hor istaaggoodu wuxuu sababay in wax ka beddel lagu sameeyo ajandaha kulanka isla-markaana laga doodo arrimaha amniga dalka, iyagoo sheegay in masuuliyiinta amniga la hor keeno Baarlamaanka si wax loogu weydiiyo xaaladaha amniga dalka.

Arrinkaan ayaa bulshada ka dhex abuuray dood ku aaddan shaqsiyadda Xildhibaannada maadaama ay ku jiraan dhallinyaro badan oo Fahad Yaasiin ka dhigay Xildhibaanno, kuwaas oo aan badankood marin habraacii amni ee loo baahnaa ka hor doorashadooda.

Qeyb badan oo ka mid ah dhallinyaradaas waxa ay shalay ku doodeen in ilaaladooda looga reebo baraha Koontrool ee laga ilaaliyo xarumaha Dowladda, isla-markaana aysan helin xushmadda xasaanadda Xildhibaannimo laguna dhibaateeyo Koontaroollada.

Doodaha ugu weyn ee abuurmay ayaa ah, side la idiin aaminayaa? Maadaama jidadka oo xiran ay Al-Shabaab u suura gashay in ay Madaxtooyada darbigeeda tagaan? Soo lagama yaabo in rag adinka mid ah gudbiyeen Qaraxyada iyo dableydii weerartay Villa Rays?.

Sidoo kale shaqsiyaad uu ku jiro Wasiirkii hore ee Warfaafinta XFS Cismaan Dubbe ayaa doodda Xildhibaannada uu Fahad Yaasiin soo saaray ilaa haddana tarafka ku sito ku tilmaamay mid madhaleys ah oo aan xilligii loo baahnaa ku soo aadin.

Dubbe, Xildhibaanno kale iyo siyaasiyiin caan ah ayaa xusay in waddanku dagaal ku jiro, isla-markaana ay amniga waddanka masuul ka yihiin hoggaanka hay’adaha amniga, golayaasha Baarlamaankana ay waajib ku tahay in ay la shaqeeyaan.

“Xildhibaanada ka cabanaya waa nala joojiyey iyo waa nala daahiyey ma oga miyaa in dalku dagaal ku jiro oo Madaxweynihii dalka uu jiidda hore ee xabbaddu ka soo dhacayso taagan yahay. Xilliga nabadda iyo ha la kala saaro xilliga dagaalka”. Ayuu yiri Dubbe.

Wuxuu ku baaqay in Xildhibaanada labada aqal ay galaan dagaalka dalka looga xoreynayo Kooxda xiriirka la leh Aq-qaacida ee Al-Shabaab, “Haddii aanay dagaalka gelaynna afkooda ha laga nabad galo inta dagaalku socdo”. Ayuu hadalkiisa ku sii daray.

KEYDMEDIA ONLINE   

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.