Xildhibaanno lagu doortay Beledweyne

Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa kamid ahaa Musharixiintii kusoo baxay doorashadda Maanta ka dhacay xarunta gobolka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Xildhibaanno lagu doortay Beledweyne

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Lix Xildhibaan ayaa Maanta lagu doortay magaaladda Beledweyne, kuwaasoo isagu jira wajiyo cusub iyo kuwa dib usoo laabtay, oo Wasiirka Ganacsiga uu ku jiro.

Waxaa kamid ah shaqsiyaadka soo baxay Maxamed Ibraahim Macalimuu oo shan jeer ka badbaadey qaraxyo ka dhacay Muqdisho, oo kii ugu dambeeyay uusan wali kasoo kabsan dhaawaciisa.

Waxaa sidoo kale soo baxay Khaliif Cabdi Cumar, Wasiirka Ganacsiga oo dhawaan lagu helay musuq-maasuq, lagana joojiyay heshiis si suuq madow ula galay Shirkad Tayo-dhowrka ka shaqeysa.

Xildhibaanada kale ee guuleystay waxay kala yihiin; Cismaan Maxamed Cabdi Daallo, Maxamuud C/raxmaan Beene-Beene, Maxamed C/llaahi Axmed iyo C/kariim Cabdow Xaydar.

Waa markii 2aad oo doorasho ka dhacayso Beledweyne, oo ah degaan doorashadda 2aad ee HirShabeelle, oo dhawaan Fahad Yaasiin lagu doortay kadib markii Farmaajo Ciidan uu geeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.