Xildhibaano dhaliilay beesha caalamka

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG ah Soomaaliya oo maanta kulan gaar ah ku qaatay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay si kulul u dhaliileen qaabka ay beesha caalamka ula macaamisho dowlada.
Warar Keydmedia Online

Xildhibaan Saleebaan Max’ed Ibraahim oo ka mid ah xildhibaanada warbaahintana la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in beesha caalamka gabi ahaanba ay laashay balan qaadyo ay sameysay xiligii wada hadalada jabuuti ay socdeen.

“Beesha Caalamka wax dana ah uma heyso umadda Soomaaliyeed iyo dowlada KMG ah, waxaana ay isku maaweelinayaan arimo aan loo baahneyn waxtarna aan u laheyn dowlada iyo shacabka” sidaa waxaa yiri xildhibaan saleebaan.

Dhanka kale xildhibaanadan ayaa waxa ay eedeen balaaran dusha uga tuureen ciidamada Amisom ee taageera dowlada kuwaasoo xasuuq joogta ah ku haya shacabka Soomaaliyeed isla markaana xiliyada qaar rasaas bareer ah ku fura dadka adeegsada gaadiidka dadweynaha.

Www.keydmedia.net

 

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.