Xildhibaano taageersan shariif xasan oo madaxweynaha eedeyn u jeediyay

MUQDISHO(KEYDMEDIA) Iyadoo is faham daro iyo khilaaf uu u dhaxeeyo labada shariif ayaa waxaa soo ifbaxaya in labada dhan ay sii xoojinayaan loolanka iyo hardanka u dhaxeeya.
Warar Keydmedia Online

Xildhibaan Xuseen caraale Cadaan oo ka tirsan  xildhibaanada taageersan shariif xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha aanu xaq u laheyn ka hadalka go’aankii Baarlamaanka, waxaana uu sheegay in madaxweynahaba ay keeneen Baarlamaanka.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Xuseen Caddan in go’aanka Baarlamaanka aan sinaba looga laaban doonin.

Inkastoo xildhibaanada la afkaarta ah shariif xasan ay sidan ku doodayaan ayaa hadana waxaa dhanka kale xusid mudan in beesha caalamka ay ku gacan seertay go’aanka Baarlaamanka waqtiga ku korarsaday, waxaana dadka wax saadaaliya ay sheegayaan in shariif xasan tani ay ku qasbeyso xukun jaceyl.

 Www.keydmedia.net

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.