Xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho oo xal loo raadinayo

Sida ay sheegtay Xukuumadda cusub, waxey xal u raadineysa caqabada ka taagan, xirnaanshaha inta badan wadooyinka Muqdisho, oo ah arrin ay shacabku dhibannayaal u yihiin.

Warar Keydmedia Online
Xirnaanshaha wadooyinka Muqdisho oo xal loo raadinayo

MUQDISHO, Soomaaliya- Howlaha ugu horreeyo ee ay xukuumadda Soomaaliya waqtigan qabaneyso ayaa waxaa ka mid ah xal u helida xirnaanshaha wadooyinka caasimadda, sida lagu sheegay hadal ka soo baxay xafiiska Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xukuumadda oo hal ku dhigeeda ku sheegtay "Dan Qaran" ayaa laamaha amniga ugu baaqday in shacabka loo fududeeyo isu socodka, dadka iyo gaadiidka Muqdisho, oo xanibnaa muddo aad u fara badan.

"Inkastoo weli magaalada ay ku gadaaman yihiin, daruufihii amni ee sababay in la xiro wadooyinkaas, ayey misana raadineysaa xukuumadda cusub xal lagu qafiifinayo xanibaada bulshada heysata" ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Shacabka Muqdisho, ayaa sanadihii ugu danbeeyey, dhibaato xooggan ku qabay, xirnaanshaha wadooyinka magaalada, waana kuwo caqabadaasi ka dhaxlay daruufo kala duwan, oo laga taaban karo, in hooyooyinka ay ku ummulaan wadooyinka, lana waayo meel la mariyo meydadka, iyo bukaanada ay xaaladaha deg deg ah la soo darsaan.

Shacabka caasimadda ayaa soo dhaweeyey hadalkan ka soo baxay xafiiska Ra'iisul wasaaraha, ee uu warbaahinta la wadaagay Af-hayeenka Xukuumadda Farxaan Jimcaalle, waxeyna dalbadeen in si deg deg ah loo dhaqan galiyo qorshaha xalka loogu raadinayo xirnaashaha wadooyinka magaalada.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.