Xisbiga UPD oo u diyaar garoobaya Bannaanbaxa

Xisbiga uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqday Xisbigii ugu horreeyay ee u diyaar garooba Bannaanabaxa looga soo horjeedo Farmaajo

Warar Keydmedia Online
Xisbiga UPD oo u diyaar garoobaya Bannaanbaxa

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxda Xisbiga UPD oo ka tirsan mucaaradka dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday ayaa iclaamiyay kulan wada-tashi ah oo ay isugu yimaadeen taageerayaasha Xisbiga ee magaalada Muqdisho si ay uga arrinsadaan Bannaanbaxa weyn ee looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo.

Xisbigan oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay ka cabsi qabaan doorka ay ku leeyihiin shaqsiyaad daacad u ah Farmaajo oo lagu heshiiyay in ay qeyb ka noqdaan abaabulka Isku soobaxa, inkastoo lagu sheegay doorka kooxda Farmaajo keliya in ay tahay sugidda amniga.

Xisbiga UPD ayaa hadda ka arrinsanaya sida ay uga jawaabi lahaayeen kulan weynaha isku soobaxa ay iclaamiyeen midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya 2021 oo ay qeyb ka yihiin, inkastoo goor sii horreysay golaha musharaxiinta ay soo saareen qoraal ay kaga hadlayaan qorshaha Farmaajo iyo xagal daacin uu ku wado fulinta heshiisyadii ay la galeen xukuumadda xil gaarsinta ee uu hoggaamiyo RW Rooble.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.