Mucaaradka Somaliland oo beri bannaabax dhigaya

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa, in deggaanada Somaliland ay ka dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo, muddo kordhinta uu damacsan yahay Biixi.

Warar Keydmedia Online
Mucaaradka Somaliland oo beri bannaabax dhigaya

HARGEYSA, Somaliland- Indhaweydba waxaa lagu kala aragti duwanaa waqtiga la qabanayo doorashada madaxtinimo ee Somaliland, taas oo qorshuhu ahaa in la qabto 9-ka bisha Novermber ee sanadkan.

Muddo kordhin la sheegay inuu damacsan yahay Muuse Biixi, ayaa maamulka u horseeday khilaaf siyaasadeed, iyadoo xisbiyada mucaaridka ay ka soo horjeesteen qorshahaas dib u dhaca ku ah xilliga doorashada.

Berito waxaa meelo badan oo ka tirsan deggaanada uu ka arrimiyo maamulka, ka dhacaya bannaanbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan taageerayaasha labada xisbi mucaarid ee kala ah Wadani iyo Ucid.

Booliska Somaliland ayaa durba sheegay, in xisbiyada loo oggol yahay in ay xarumahooda ku qabsadaan dibadbaxyada, wuxuuse diiday boolisku in wadooyinka iyo meelaha la isugu yimaado lagu qabto bannaanbaxyada.

Arrintan ayaa u muuqata mid berito abuuri karta xiisad hor leh, iyo khilaaf muddo badan qaata xalintiisa, maaddaana mucaaridku ay doonayaan in fagaaraha kheyriyada ay ka dhigaan bannaabaxa.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.




Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.