Diyaarad sida lacag ka timid Qatar oo ka degtay Muqdisho

Qatar ayaa 2017 Farmaajo ka taageertay dhinaca dhaqaalaha doorashadda, iyadoo lacagta loo soo mariyay Fahad Yaasiin, oo ah dalaalka Doha ee Soomaaliya u fadhiya.

Warar Keydmedia Online
Diyaarad sida lacag ka timid Qatar oo ka degtay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Xog hoose oo Keydmedia heshay ayaa sheegaysa in 28-kii bishi October ay Muqdisho timid diyaarad gaar ah oo lacag badan u wadey MD hore Farmaajo.

Diyaaradda Qatar airways waxay siday 7 boorso oo lacag malaayiin dollar lagu qiyaasay oo Cash ah, waxaana la socday Fahad Yaasiin iyo 3 qof oo kale, kuwaasoo kasoo qaadey Doha.

Xogta waxay sheegaysaa in Lacagtan sida qarsoodida ah Muqdisho lagu soo geliyay ayay Qatar ugu tala-gashay Farmaajo inuu doorashadda ku galo oo codadka Xildhibaanada ku iibsado.

Qatar ayaa 2017 Farmaajo ka taageertay dhinaca dhaqaalaha doorashadda, iyadoo lacagta loo soo mariyay Fahad Yaasiin, oo ah ninka xukuumadda Doha u fadhiya dalka Soomaaliya.

Qatar waa dalka ugu saameynta badan siyaasadda Soomaaliya xilligan, iyadoo afartii sano ee lasoo dhaafay Villa Somalia u fadhiyeen Farmaajo iyo Fahad oo danaheeda uga shaqeynayay.

Khilaafka diblomaasi Khilaajka ayaa sababay in Soomaaliya noqotay mid ay ku tartamaan Qatar iyo Imaaraadka. Farmaajo ayaa la saftay Doha oo ugu abaal-guday lacagtii ay siisay 2017.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.