XOG: Fahad Yaasiin oo “Xabsi Guri” lagu geliyay Garoonka Muqdisho

Markii uu fashilmay afgembigii Farmaajo rabey inuu ku sameeyo Rooble December 27, oo Muqdisho Ciidamo wadooyinka ay xireen, Fahad ayaa u cararay Garoonka diyaaradaha.

Warar Keydmedia Online
XOG: Fahad Yaasiin oo “Xabsi Guri” lagu geliyay Garoonka Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa soo baxay warar hoose oo sheegaya in Fahad Yaasiin, la-taliyaha amniga Farmaajo la geliyay xabsi guri gudaha Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah, Fahad ayaa dowladda Maraykanku ka hor-istaagtay inuu u baxsado Itoobiya 27-kii bishii lasoo dhaafey kadib markii uu fashilmay afgembigii Farmaajo.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in dhawaan dowladda Mareykanka rabtey inay cunaqabateyn dhinaca safarka iyo lacagta dibadda u taalla kusoo rogto Fahad Yaasiin, balse ay joojisay CIA-da, oo la shaqeeyo, maadaama uu yahay sirdoon Qatar maalgelisa.

Xogaha waxay sheegayaan in markii uu fashilmay afgembigii Farmaajo rabey inuu ku sameeyo Rooble December 27, oo Muqdisho Ciidamo wadooyinka ay xireen, Fahad ayaa u cararay Garoonka diyaaradaha.

CIA-da waxuu yu ahaa Fahad Yaasiin hanti, il ay ka helaan xogo badan oo dhanka Al-Shabaab ah, waxaana la ogeyn hadda in lagu hayo saldhiga ay ku leedahay Garoonka Aadan Cadde.

Keydmedia ayaa mudo maalmaha ah baareysay kiiska Fahad, oo helaysay xogo isa soo tarayay. Sidoo kale, KON ku dhawaad sanad kahor ayay soo qortay in Fahad Yaasiin uu ku jiro liis Mareykanka cunaqabateyn saarayo. [Halkan ka akhriso].

Agaasimihii hore ee NISA ayaa la aaminsan yahay inuu yahay xukunta dhibaatada ka taagan Soomaaliya, islamarkaana uu isagu yahay maskaxda Farmaajo ee ka dambeysa isku-dayada afgembi iyo faragelinta doorashooyinka.

Dowladda Qatar ayaa dhaqaale badan ku siisa Fahad inuu carqaladeeyo siyaasadda dalka, sidoo kalena u dhiso dowlado Doha ka amar-qaata, isagoo soo dhisa Musharaxa uu u arko inuu fulin karo ajandiyaasheeda.

Labadii dooarsho ee ugu dambeysay Soomaaliya 2012 iyo 2017, oo Xasan Sheekh iyo Farmaajo ku guuleysteen waxaa saameyn ku lahaa natiijada dowladda Qatar oo dhaqaale badan ku bixisay, taasoo usoo marisay Fahad Yaasiin.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.