Halkuu marayaa Mashruucii dhismaha Wadada Muqdisho iyo Afgooye?

Inkastoo Al-Shabaab ay sheegato in ta badan weerarada ka dhaca waddada xiriiriso Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa hadana dhinaca kale khubarada amniga ayaa sheegaya in gacmo kale ay jiraan oo aan dooneynin in la dhiso jidka.

Warar Keydmedia Online
Halkuu marayaa Mashruucii dhismaha Wadada Muqdisho iyo Afgooye?

MUQDISHO, Soomaaliya – Ex-control Afgooye oo ka mid ah koontaroolada laga soo galo Caasimadda Dalka ayaa waxaa haatan ka jiro xaalad cakiran, waxaana gabi ahaanba la jaray waddooyinka soo galo, kuwaas oo muhiim u ah isu socodka bulshada.

Afarta waddo ee uu kala qeybiyo isgoyska, oo kala ah waddada aada Afgooye, Xoosh, Wershadaha iyo tan soo aadda dhinaca Banaadir ayaa lagu jaray dhagaxaan waaweyn, waxaana xaalad cakirnaan ah dareemiya shacabka isticmaala wadadaas.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray, haseyeeshee warar hoose oo ay KEYDMEDIA ONLINE heshay ayaa sheegeyo in loo xiray dhismaha wadada xiriiriso Muqdisho iyo Afgooye oo dhawaan dib loo bilaabi doono, wallow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin

Mashruuca dhismaha wadada xiriiriyo Muqdisho iyo Afgooye oo lacagta ku baxaysay ay bixisay Dowladda Qatar ayaa bilooyin kahor istaagay, kadib markii ay bateen weerarada joogtada ah oo ay Alshabaab ku beegsanayso Injineerada Turkiga ee dhisaya wadada.

Dhismaha oo la bilaabay 21 July, sanadkii 2019 ayaa ku dhawaa in la soo gabagabeeyo wejigiisa koowaad, hase yeeshee weerarada Al-Shabaab owgeed ayaa loo joojiyay, waxaana xusid mudan in shirkaddii dhiseysay waddadaan oo laga lahaa Turkiga ay shaqaalo iyo agabba ku weysay weerarada.

Weerarkii ugu weynaa oo sababay hakadka dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye ayaa ahaa mid ismiidaamin ah oo lala beegsaday shaqaalaha Turkida billowgii sanadkaan xilli ay ku sugnaayeen agagaarka Baar Ismaaciil Afgooye.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku fashilantay sugidda Amniga shaqaalihii dhisayay wadada xiriirisa magaaladda Muqdisho iyo Afgooye oo isku jira masaafo dhan 30-KM.

Mashruuca waxaa ku baxaya lacag dhan $200 Milyan waxaa bixinaya Qatar, iyadoo qanaraaska ay la siiyay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo ay weli qabyo u tahay dhismaha wadadaas.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.