Xog laga helay Saldhig Mareykanku leeyahay oo Al-Shabaab weerartay

Labo sano ayaa kasoo wareegatay weerarka Manda Bay, oo ahaa midkii labaada oo ugu khasaaraha badan oo Mareykanka Ciidankiisa ku sugan Afrika lagu qaado sanado dhowr ah.

Warar Keydmedia Online
Xog laga helay Saldhig Mareykanku leeyahay oo Al-Shabaab weerartay

NAIROBI, Kenya - Habacsanaan amni oo isdaba joog ah iyo feejignaan la'aanta khatarta argagaxisada, ayaa horseeday weerarkii lagu qaaday saldhig millatari oo Mareykanka ku leeyahay dalka Kenya bishii January 2020-kii kaas oo lagu dilay saddex Mareykan ah, baaritaan uu sameeyay Pentagon-ka ayaa lagu ogaadey.

Baaritaanka oo uu hogaaminayay Gen. Paul Funk oo madax u ah qeybta tababarka Ciidamada Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale lagu ogaaday in askarta ku sugan Saldhigga Manda Bay ay heli waayeen xogta weerarka Al-Shabaab, islamarkaana aysan u diyaarsanayn ilaalinta amniga xerada, oo ku yaalla xeebta Lamu, oo ku dhaw xadka Soomaaliya.

Saddex askari oo Mareykanka ayaa ku dhintay, kuwaasoo labo isla saarnaa diyaarad lagu dhuftay qoriga RPG iyo Gaari kale oo isna madfac ku dhacay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex askari oo kale, sida warbixinta baaritaanka lagu sheegay.

5tii Jan, 2020, dagaalyahanno lagu qiyaasay 30 ilaa 40 dagaalyahano oo Al-Shabaab ah, ayaa beegsadey xerada Camp Simba, iyadoo duqeyn madaafiic ah kadib ay Al-Shabaab gudaha u gashay kadibna ay ku gubtay dhowr diyaaradood oo Ciidanka Mareykanka lahaayeen.

Wuxuu ahaa weerarkii labaad ee ugu dhimashada badnaa ee Ciidamada Mareykanka ka geystaan ​​Afrika muddo tobanaan sano ah. Sannadkii 2017-kii, afar askari oo Maraykan ah ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ay kooxo mintidiin ah ku qaadeen dalka Niger.

Baaritaan uu sameeyay Wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in kumaandooska Mareykanka ay ku qaadatay muddo saacada ah inay ka jawaabaan weerarka Al-Shabaab. Qaar badan oo ka mid ah Ciidamada Kenya ee loo xilsaaray inay difaacaan saldhigga ayaa ku dhuuntay keymaha casi darteed. Askarta dhaawacantay ayaa la geeyay Jabuuti, oo qiyaastii 1,000 mayl u jirta xerada.

Dagaalyahanada ayaa laba baasuuke ku dhuftay gaariga xamuulka ah. Mid ka mid ah ayaa qarxay, kaas oo dilay Henry Mayfield Jr., oo 23 jir ahaa. Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa intaasi kadib waxa ay gantaalo ku dhufteen diyaarad. Dab ayaa qabsaday, waxaana ku dhintay duuliyayaashii, oo labaduba ahaa qandaraaslayaal Mareykan ah. Dustin Harrison, oo 47 jir ahaa, iyo Bruce Triplett, oo 64 jir ahaa, waxay ahaayeen laba duuliye oo khibrad leh.

Weerarka Manda Bay waxuu banaanka soo dhigay in khatarta Al-Shabaab ee ka dhanka ah Mareykanka Geeska Afrika ay sii xoogeysanayso, kuwaasoo inta badan ku koobnaa Soomaaliya.

Wuxuu dhacay weerarka Toddobaadyadii u dambeeyay ee uu xafiiska joogay Donald J. Trump, oo January 2021 ku amray inta badan 700 oo askari oo Maraykan ah oo ku sugan Soomaaliya inay ka baxaan dalka. Inta badan Ciidamada ayaa loo wareejiyay Jabuuti iyo Kenyam gaar ahaan Manda Bay, halkaasoo amnigeeda wax laga bedelay, sida ay sheegeen saraakiisha.

Maamulka Biden ayaa wada dib u eegis uu ku sameynayo xaaladda Soomaaliya kahor inta uusan Ciidamadaas dib ugu celin. Mareykanka ayaa tababar siinayay Danab, waxayna Ciidankiisa kaalin ka qaadanayeen la dagaalanka Al-Shabaab, oo duqeymo cirka ku dileen hogaamiyeyaal sare.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.