Yuu Xasan Sheekh kala tashanayaa magacaabista Ra’iisul Wasaaraha?

Beesha Daarood ayaa xilka u xiran yahay, sida uu dhigayo heshiiska awood-qeybsiga dalka ee 4.5, waxaana u sharaxan Musharixiin badan oo soo gudbistay araajidooda.

Warar Keydmedia Online
Yuu Xasan Sheekh kala tashanayaa magacaabista Ra’iisul Wasaaraha?

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh, ayaa wada la-tashiyo baaxad leh, oo ku saabsan qofka uu usoo xulanayo inuu noqdo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaasoo ka imaanaya Beesha Daarood.

Madaxweynaha ayaa marka la caleema-saaro 9-ka bishan ku dhawaaqi doono Ra'iisul Wasaare cusub, iyadoo dad badan aad u hadal-hayaan qof cusub mise waji hore midka uu noqon doono.

Huteellada Muqdisho waxaa buux-dhaafiyay siyaasiyiin Daarood ah, oo dal iyo dibad isaga kala yimid, iyagoo ku jira olole inay noqdaan Ra'iisul Wasaare, waxayna Xasan Sheekh u gudbiyeen araajidooda, sida ay ogaatey Keydmedia Online.

Xasan Sheekh ayaa socdaal ku tagey Koonfur Galbeed iyo Galmudug, isagoo ka baaqsadey inuu tago HirShabeelle, Puntland iyo Jubbaland, waxaana safarkiisa uu ahaa midkii ugu horeeyay oo uga baxo Caasimadda tan iyo doorashadiisa 15-kii bishii lasoo dhaafay ee May.

Xogo KON heshay ayaa muujinaya in Xasan Sheekh ragga ugu badan uu kala tashanayo magacaabista Ra'iisul Wasaaraha ay yihiin Saciid Deni iyo Axmed Madoobe oo taageeray doorashadiisa.

Labada Madaxweyne ee Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa la rumeysan yahay inay saameyn ku leeyihiin magacaabista Ra'iisul Wasaaraha cusub, oo ay doonayaan inuu noqo Majeerteen ama Ogaadeen midkooda.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.