Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska RW oo la badalay

Dr.Maxamed Ibraahim Nuur oo kamid ahaa maamulka sare ee Jaamacadda SIMAD ayaa loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska RW

Warar Keydmedia Online
Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska RW oo la badalay

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u magacaabay Dr. Maxamed Ibraahim Nuur in uu noqdo xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Dr.Maxamed Ibraahim ayaa ahaa mid kamida ku xigeenada Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, sidoo kalena wuxuu ahaa Bare kasoo shaqeeyay Jaamacadda muddo dheer isagoo haysta shahaadada PHD.

Cabdiraxmaan Mucaawiye Sheekh Ibraahim ayaa loo magacaabay in si kumeel gaar ah uu u haayo xilka xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska R/wasaaraha, waxuuna bedelayaa Cabdirisaaq Xuseen Aadan oo si KMG ah horay ugu hayay xilkaan kaasoo loo magacaabay markii la eryaya Xasan Cali Khayre July 25, 2020.

Waxaana muddo ka yar lix bilood isku bad-baddalay xafiiska Ra'iisul Wasaaraha saddex ruux oo loo magacaabay Xoghaya Joogtada ah ee Xafiiska RW.

KEYDMEDIA ONLINE 

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 7 January 2023 12:08

Halkudhaga Keydmedia Online waa: Codka isbadalka, codka lagu difaaco xaquuqda aadamiga, codka dadka aan codka laheyn. Keydmedia Online sababta loo aas-aasay 12 sano ka hor wuxuu ahaa in ay bushada u soo bandhigto warbaahin ku qotonta xaqiiqada taagan iyo tan la soo maray.